Waxaa Akhrisatay :718
Kooxda Arsenal ayaa la rumaysan yahay inay mar kale dib u soo cusboonaysiisay xiisaha ay u qabtay kabtanka Montpellier Mapou Yanga-Mbiwa.
Naadiga ka dhisan dalka Faransiska ee Montpellier ayaa isaga hartay koobka horyaalada yurub waxayna Arsenal doonaysaa in bisha January ay lasoo wareegto xidigaas.
Ciyaaryahankaan Mapou Yanga-Mbiwa ayaa ka ciyaara daafaca wuxuuna ka ciyaari karaa boosaska badan ee daafacyada isagoo ah mid kamid ah daafacyada ugu wanagsan ee haatan ka ciyaara horyalka Ligue 1 ee faransiiska.
Mapou Yanga-Mbiwa oo 23 jie ah ayaa waxaa ay Arsenal loolan kala kulmaysaa kooxaha chelsea iyo Ac Milan laakin Arsenal ayaa wali ah kooxda hogaaminayso doonista loogu jiro ciyaaryahan Mapou Yanga-Mbiwa kaas oo wakiiladiisa mar ay la kulmeen maamulka Arsenal.
Kooxda Montpellier ayaa digniin u dirtay tiro labo jeer ah kooxaha doonaya Mapou Yanga-Mbiwa isla markaasna sheegtay inuu lasii joogi doonno kooxda Montpellier oo markii ugu horeysay koobka horyaalada nadiyada yurub ciyaartay sanadkaan.
Kadib markii ay koobka horyaalada yurub ay ka hartay kooxda xidigaan Mapou Yanga-Mbiwa uu u ciyaaro ayaa suura gal ah in bisha January ay kooxda ku iibiso xidigaan lacago farabadan.
Arsenal ayaa waxaa ka tagaya labo daafac oo waydistay inay isaga tagaan kooxda waa Johan Djourou iyo Sebastien Squillaci.
Qandaraaska Mapou Yanga-Mbiwa uu kula jiro naadigiisa Montpellier ayaa ku eg sanadka 2015 waxaana ka harsan 3 sanno.











Anaga ayaa lawaregena viva Sagna jinkenson gibbs vermaelen per mertasacker