Kooxda ka socota kaalinta 4aad ee League ingiriiska ee lagu magacaabo Bradford ayaa ka reebtay kooxda wayn ee Arsenal horyaalka hore loo odhan jiray “Carling Cup” se imika loo bixiyay Capital Cup, ka dib marki ay kaga badiyeen saddex goo iyo laba rikoorayaal ama gool ku laag, markii ay ciyaartu ku dhamaatay barbardhac gool iyo goola.
Half-kii hore ee ciyaarta ayay Arsenal waxay u eekayd mid gabgab wax ku wada halkasoo uu nadigan yari kaga faa’idaystay oo uu ka dhaliyay goolka koowad mirir-kii 16, halkaaso uu dhaliyay goolka ciyaaryahanka kooxda Bradford ee Thompson, kooxda Arsenal-na way isku dayeen se waxba way keeni kari waayen oo ciyaarta half-kii hore waxa uu ku dhamaaday iyadoo Arsenal lagaga horeeyo gool.
Markii la isku soo laabtay ciyaarta half-kii dambe, kooxda Arsenal waxba iskamay badalin se way ka haysteen kubada kana kubad fiicnaayen kooxda Bradford,rubicii ciyaarta ugu dambeeyay Arsenal waxay isku aragtay si mid ka haraysa koobka markaana aadbay u ciriiriyeen kooxda ku lidka ah halkaaso uu goolka barbardhaca u dhaliyay Vermaelen mirir-kii 88aad, halkaasoy ciyaartu ku dhamaatay barbardhac (1-1) laguna daray nususaace dheerada.
Ciyaartu way sii kululaatay se wax saasa iskamay badalin oo naadiga Arsenal wuu u mijo baxsaday si uu uga badiyo kooxdan,se kooxdan kale difaaca iyo gool hayahooda ayaa diiday in wax laga dhaliyo halkaasoy ku dhamaatay ciyaartu laguna laabtay rikoorayaal,halkaasu ku guulastay kooxda garoonka lahayd saddex gool iyo laba.














