Arsenal oo doonayso ciyaaryahan Brazil ah inay bisha janayo lasoo wareegto.

Dhaliye December 9, 2012 3

Waxaa Akhrisatay :1204
Kooxda Arsenal ayaa doonayso inay lasoo wareegto ciyaaryahan u dhashtay dalka Brazil kaas oo ay u aragto inuu buuxin karo boosaska qadka dhexe oo kooxda ay tabayso.

Tababaraha Arsenal Arsen Wenger ayaa u hanqal taagaayo in ciyaaryahanka reer Brazil Luis Gustavo uu kusoo biiriyo xulka qadka dhexe ee Arsenal isla markaasna uu doonaayo in sanadka cusub gaar ahaan bisha January markaas oo suuqa kala iibsiga dib u furmaayo.

Macalinka Arsenal Wenger wuxu u baahan yahay inuu xoojiyo xulka kooxdiisa isla markaasna kooxda xilligaan ay noqoto mid kaalin wanagsan ka gasha horyaalka ingiriiska.

Xidiga Luis Gustavo ayaa noqday mid uu si weyn u xiiseenaayo tababaraha reer France ee Wenger kaas oo sheegay in xidigaas uu daawado dhowr jeer isla markaasna uu yahay mid ku wanagsan qadka dhexe oo kooxda heer gaarsiin kara.

Ciyaaryahankaan Luis Gustavo ayaa kusoo biiray Bayern Munich kadib marki ay 12 milyan oo gini ugu soo iibsatay kooxda ka ciyaarta isla horyaalka Jarmalka ee Hoffeinheim.

Tababaraha kooxda Bayern Munich Jupp Heynckes ciyaaryahankaan uma arko inuu yahay mid muhiim ah laakin Tababaraha Arsenal Wenger ayaa ku baraarugsan in xidigaan uu yahay mid horumar samayn kara.

Arsenal waxaa ay haysataa ciyaaryahan qadka dhexe oo ku wanaagsan waa Abou Diaby laakin waxaa hareeyay dhawaanahan dhaawacyo xoogan kuwaas oo kulamada qaar ee kooxda ku aayay.

Wenger wuxuu aaminsan yahay inuu Luis Gustavo ku heli  karo lacago dhan 10 milyan haddii laga aqbalo codsigaas.

 

3 Comments »

  1. Kamaal cade December 9, 2012 at 8:45 pm - Reply

    Gustavo ku sodhawow arsenal

  2. Roscky December 21, 2012 at 9:50 am - Reply

    War ha ino imanin daminyahaw

  3. anti- jaceyl December 23, 2012 at 2:02 pm - Reply

    maku rabno gurey-yow

Leave A Response »