Monday, June 26th, 2017

Arsenal iyo Tottenham oo baadigoob ugu jira ciyaaryahanka Kostas Manolas

Published on July 8, 2015 by   ·   No Comments   ·   1,034 Reads

 

Kooxaha Tottenham iyo Arsenal ayaa muujinaya xiisaha ay ku qabaan daafaca waddanka Giriiga iyo kooxda Roma ee Kostas Manolas.

 

La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaysa in labada kooxood ee ka wada dhisan waqooyiga London ay bartilmaameedsanayaan 24-sano jirkaan daafaca dhexe.

 

Manolas ayaa kaliya ku biiray Giallorossi sanadkii la soo dhaafay, markaasoo uu kooxda Olympiacos uga yimid 13 milyan oo Euro oo lagu daray 2milyan oo dheeraad ah.

 

Waxa uu ahaa mid si joogto ah ugu ciyaarayey kooxdiisa xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu u saftay 41 kulan, kulamaduu uu u ciyaaray ee ka kala tirsanaa Serie A, Champions League, Europa League iyo Coppa Italia.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Recent Posts

Top Story

Xabi Alonso oo isbarbardhig ku sameeyay Jose Mourinho iyo Pep Guardiola

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Xabi Alonso ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka siman yihiin macalinkiisa Pep Guardiola iyo tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho.   Alonso ...