Waxaa Akhrisatay :987
Wargeyska Sports ee ka soo baxa dalka Spain oo soo xiganaya ilo wareedyo gudaha ingiriiska ayaa sheegaya in Naadiga Arsenal ay u soo jeediyeen Barcelona dalab ay si toos ah uga iibsanayaan laacibkooda David Villa kaasi oo horay u diiday in qaab amaah ah uu uga huleelo Barcelona .
Waxa ay haatan Arsenal u taagan tahay laacibkaas aduun gaaraya 15-milyan oo euro si ay u soo xero giliyaan xilli ciyaareedkaan haatan socda.
Laacibkaan kursiga bedelka la fariisayay ayaa waxaa doonayay kooxo dhowr ah oo horyaalka ingiriiska ah kuwaasi oo ku doonayay qaab amaah ah waxaana ka mid ah LIverpool iyo Tottenham , waxaana laga yaabaa in Barcelona qiimahaas ku fasaxaan laacibkaasi sii duqoobaya .
Villa ayaa dhankiis alagu wadaa in Barcelona si gaar ah uga codsado in ay fasaxaan si London uu u gaaro oo kubada ula qaabeeyo dhalinyarada Arsenal .











.k.k.k.k.k.k.k.k.k hayay welcome villa yabaiskahela laacibkas viva THEO WALCOTT
villa welcome to arsenal wenger aladagay koxdan sorry viva somalia viva arsenal and barcilona
Wengar duq hadad kenedo henrry le noken kan wa kadhamatay wlh
Wllhy wa arin lagu farxo wana guul horyaalka iyo naadigaba usoo hoyatay haduu yimaado laacibka
Woow is good news wan ku faraxsanahay walahi welcom to open hands villa