Arsen Wenger Oo Sheegay in Kooxdiisa Awoodo Inay Ku Guuleysato Horyaalka Premier League

Dhaliye September 16, 2012 5

Waxaa Akhrisatay :618
Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal Macalin Arsen Wenger oo wareysi siinayay wargeyska Daily Mail ayaa sheegay in kooxda ka dhisan magaalada London ay awoodo inay ku guuleysato xagaagan horyaalka wadanka Ingiriiska ee Premier League.

kadib markii kooxda reer London ee shalay  nus darsin goolaha ugu awood sheegatay  kooxda Southampton ayna heshay dhibicdeedii sideedaad Afar ciyaar ay kooxda ciyaartay xagaagam.

“Waxaana heysanaa fursad ayaan horyaalka ugu guuleysan karno , laakin marka hore aan awoodeena sugno”

Macalinka ayaa sidoo kale yiri “ waxaan heysanaa ciyaartoy badan kuwaas oo noo suura galin kara inaan ku guuleysano horyaalka, laakin marka waa inaan garaacnaa kooxaha tartanka nagala dhaxeeyo, Southampton waxey qalqal galisay labada koox ee horyaalka looga baqo , ciyaartoydeyda waxey tuseen awoodooda”

Sidoo kale macalin arsen wenger ayaa amaanay ciyaaryahanka Qadka dhexe uu dhawaantan kusoo biirayay kooxda ee santi cazorla wuxuuna yiri

“hadii aad tahay mid jecel inuu daawado kubadda cagta waxaa inaad daawataa laacib sida santi cazorla oo kale ah , waa ciyaaryahan heer caalami ah waana mid aan meel walba laga helin wax walba ayuu sameyn karaa”

5 Comments »

  1. Xp September 17, 2012 at 7:04 am - Reply

    Arsenal sanadkan caadi ma ahan runti ayago ka maqan wilshere . Rosicky .sidaan yihiin hadey so kacaan ka warama heee

  2. abuu muscab September 17, 2012 at 8:14 am - Reply

    kkkkkkkkkk kuwaan inteey garaan

  3. hassan said ali September 17, 2012 at 8:52 am - Reply

    waan ku faraxsanahay rajada wingar

  4. Cabdulaahi September 17, 2012 at 8:55 am - Reply

    Hayeey man iyo cha iyo city ka caraara meesa waxaa soo kalay arsenaal ee horyalka ku wareejiya sanadkaan waa sanadkii arsenaal

  5. Nuurdiin03 September 17, 2012 at 10:52 am - Reply

    Haye arsinal way soo laabatay e arka

Leave A Response »