Waxaa Akhrisatay :195
Alex Song ayaa dhamaystiray tijaabada Caafimaad oo u marayo kooxdiisa Cusub eeBarcelonaisagoo lasoo wareegidiisa kooxda Spain ay ugu baxday lacag dhan £15million.
Websitka kooxda uu ku biiray ee Barcelona ayaa waxaa la soo dhigay Sawirada Xidiga isagoo jooga garoonka Nou Camp subaxnimadii saakay waxaana uu maray tijaabo Caafimaad mana jirin wax dhibaato oo laga soo wariyay xaaladiisa caafimaad.
Doctor Ricard Pruna oo ah dhaqtay baarayay Alex Song ayaa sheegay in Song uu leeyahay jir yar islamarkaana ah shaqsi qaab dhismeedkiisa uu wanaagsan yahay waxaana kaaliyaasha Caadfimaadka kooxda uu ku wargeliyay inuu caafimaad qabo xidiga.
Songa ayaa kooxda u buuxin doona booskii uu katagay Xidi Mali Keita oo ku biiray Dalka China waxaa laga yaabaa inuu ciyaarta Supper Cup oo khamiista ay ciyaarayaan Barcelona iyo Real Madrid.











who is gonna defeat barca because she got song