Alex Ferguson oo Dalbaday Laacib Marouane Fellaini.

Dhaliye September 16, 2012 0

Waxaa Akhrisatay :783
Manchester United ayaa ku biirtay kooxaha Xiisaynaya Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Everton Marouane Fellaini.

Wargayska Sunday Mirror ayaa sheegaya in Tababaraha kooxda Everton David Moyes uu ka digay in Ciyaaryahanka Wadanka Belgian inuu ka tago kooxda.

Sir Alex Ferguson Macalinka kooxda Manchester United ayaa damaciisa u weeciyay Marouane Fellaini uu u damacsanayahay inuu ku xoojiyo qadka dhexe ee kooxda.

Marouane Fellaini ayaa Carabaabay dhawaan inuu sii joogi doonin Everton oo waqti kale uusan kulaminayn uuna doonayo  isbadal cusub oo dhanka kooxaha.

United ayaa ku guul daraystay inay lasoo wareegto inta uu suuqa kala iibsiga furnaa ciyaaryahan qadka dhexe ka ciyaara waxaana ay isku dayi doonta in Jenuary ay lasoo wareegto Xidiga Timaha badan.

Leave A Response »