Alex Ferguson Oo Aad U Daneynaya In Bisha Janaayo uu Keensado Marouane Fellaini

Dhaliye September 16, 2012 1

Waxaa Akhrisatay :310
Ciyaaryahanka Everton iyo Xulka Qaranka Wadanka Belgium asal ahaan kasoo jeeda wadanka Marooko Marouane Fellaini ayaa waxaa si wayn u doonaya Tababaraha Rug cadaaga ah Sir Alex Ferguson ayadoona la lala xiriinayaa in bisha Jenuary uu ku biiro kooxda Red Devils ama Shayaadiinta Cas Cas.

Macalin Ferguson ayaa isha la raacaya Ciyaaryahanka Qadka Dhexe Kooxda Everton ayadoona wargeyska Caanka ah ee Daily Mall uu sheegy in tababare Manchester United uu si is daba joog ah u daawanayay dhamaan ciyaarihii ay ciyaartay kooxda Everton Xagaagan si uu ula socda xaalada ciyaaryahanka.

Tababaraha Everton David Moyes ayaa rumaysan kuna kalsoon in Laacibka Belgiun ay kusii hayn doonaan kooxda kadib markii uu sicad u qeexay shirjaraa’id uu qabtay Fellaini inuu ka tagayo Everton.

Macalin Moyes ayaa sheegay in ciyaaryahanka uu dalab xoogan uga imaanayo kooxo badan oo ka dhisan qaarada yurub gaar ahaan wadanka ingiriiska isagoona sheegay in kooxaha ugu tunka wayn horyaalka Primier Leagu ay xiiseynayaan sidii bisha Janaayo ay ku heli lahaayeen.

One Comment »

  1. honestyboy September 16, 2012 at 6:26 pm - Reply

    rumahanti ninkas wa uu na an facaya waxan dhihi laha welcome to man u

Leave A Response »