Alessandro Del Piero oo gaaray dalka Australia “Daawo Sawirada”

Dhaliye September 16, 2012 0

Waxaa Akhrisatay :495
Weeraryahankii hore ee kooxda Juventus ayaa waxaa si aan caadi ahayn loogu soo dhaweeyay maanta Dalka Australia halkaas oo sanadaha soo aadan Qayb kamid ah Nolashiisa uu ku qaadanayo.

Alessandro Del Piero kabtankii hore ee Juventus ayaa waxaa uu ku biiray kooxda reer Australia ee Sydney Fc waxaana uu saakay markii ugu horaysay uu ka dagay garoonka Caalamiga ay ku ciyaarto kooxdiisa Cusub.

Tageerayashii ugu badnaa ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka Del Piero kadib markii uu saakay kasoo dagay dalkaas.

Dadka Isoo sobaxay ee ka qaybqaadanayay soo dhawaynta Weeraryahankii hore ee Cajuus waxaa lagu qiyaasay Tiradooda ilaa 500 Taageerayaal oo tageera kooxda Sydney iyo kuwa kale oo xirnaan fanaanadaha Juventus.

Kadib Dalpiero ayaa yiri mar uu hadalkooban ka horjeediyay Warbaahinta waxaana uu yiri” halkaan  waxaan u imid inaan kabaha Kubada Cagta isaga siibo.

Alessandro Del Piero Waxaa uu Noqday Ciyaaryahanka ugu mushaarka badan horyaalka Australia waxaana u qalinka ku duugay labo Sano oo heshiis ah.

Leave A Response »