Monday, December 18th, 2017

AC Milan oo weli haminaysa xidiga Ibrahimovic

Published on August 3, 2015 by   ·   No Comments   ·   1,416 Reads

 

Maareeyaha kooxda Milan Sinisa Mihajlovic ayaa doonaya in kooxdu ay diiradda saarto saxiixa Alessio Romagnoli, waxaana uu aaminsan yahay Zlatan Ibrahimovic haddii ay kooxdu la soo wareegto inay ku guuleysan karto Scudetto.

 

Rossoneri ayaa si wayn loola xiriirinayey labadan ciyaaryahanba xagaagan, waxaana macallinka Serbia uu ka hadlay labadan saxiixba.

 

“Romagnoli? Waa wax iska cad inuu diiradda inoo saaran yahay.” Macallin Mihajlovic ayaa sidaas ku sheegay shirkiisii jaraa’id ee Audi Cup.

 

“Waxaan u baahanahay ciyaaryahan lugta bidix ku ciyaara. Haddii uu Ibrahimovic yimaado halkaan waxaan noqon doonaa kuwa ugu cad-cad inay ku guuleystaan Scudetto.”

 

Waxa uu ugu dambeyn sheegay tababaraha in u jeedka ugu wayn uu yahay inay sanadkan ka mid noqoto saddexda kooxood ugu horreeya horyaalka, waxaana uu ammaan u jeediyey xiddigii la ciyaaray Inter iyo Real Madrid.

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Recent Posts

Top Story

Xabi Alonso oo isbarbardhig ku sameeyay Jose Mourinho iyo Pep Guardiola

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Xabi Alonso ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka siman yihiin macalinkiisa Pep Guardiola iyo tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho.   Alonso ...