AC Milan oo ku rajo Weyn soo xera gelinta Fernando Llorente

Dhaliye September 13, 2012 0

Waxaa Akhrisatay :253
Milan ayaa ku biirtay kooxaha danaynaya Weeraryahanka Athletic Bilbao  Fernando Llorente ee Liverpool, Arsenal, Barcelona iyo Juventus wada doonayaan.

Sida Idaacadaha Dalka Taliyaaniga ay sheegayaan 27 jirka Wadanka Spain ee uu dhacayo heshiiska uu kual jiro kooxdiisa Xagaaga dambe  inay la wareegi karto kooxda Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka Taliyaaniga ee iska leh AC Milan oo xaalad dhaqaale xumi ay haysato.

Fernando Llorente ayaa bishii July daboolka ka qaaday inuusan heshiish u kordhin doonin kooxdiisa.

Sidoo kale Juventus ayaa la rumaysanyahay inay kamid tahay kooxaha sida Wayn u doonaya Llorente lakiin Milan ayaa ku kalsoon inay ka dul qaadi doonaaAn Ciyaaryahanka kooxda ay isku wadanka yihiin.

Wargayska Mediaset ayaa soo xigtay in Masuul kamid ah Milan uu la kulmay Carlos Arino Bajo oo katirsan Maamulka kooxda Spain waxaana la sheegay inay macquultahay in San Siro uu u soo dhaqaaaqo Llorente.

Leave A Response »