Ac Milan oo kaga adkaatay Man utd Saxiixa Angelo Ogbonna.

Dhaliye December 8, 2012 0

Waxaa Akhrisatay :608
Ac Milan ayaa diyaar u ah inay lasoo wareegto ciyaryahanka kooxda Man utd ay doonaysay ee Angelo Ogbonna.

Xidiga caalamiga wadanka Talyaaniga Angelo Ogbonna ayaa waxaa uu noqday bartilmaameed sax ah kaas oo ay doonayayaan naadiyo tiro badan oo ka dhasin qaaradda yurub kuwaas oo ay kamid yihiin Man utd iyo Ac Milan.

Angelo Ogbonna oo 24 jir ah ayaa waxaa sidoo kale indhaha la raacaya naadiyada Roma iyo Juventus oo ka dhisan gudaha Talyaaniga waxaana  uu dhawaan sheegay inuusan ku deg degi doonin inuu isaga  tago kooxda Torino.

Ac Milan ayaa u bandhigtay kooxda Torino lacago dhan 13 milyan oo gini iyadoo sidoo kale si hoose ula hishiisay ciyaaryahanka iyo qaabka uu ula macaamilaayo mushaar ahaan ay u ogolaato mid uu ku farxay.

Kooxda ka dhisan garoonka Sansiro ee Ac Milan ayaa waxaa laga sareeya oo hogaanka horyaalka looga haaya dhibco aad u badan kadib markii ay iska iibisay Thiago Silva oo PSG ku biiray.

Ciyaryahan Angelo Ogbonna ayaa leh daafacaad wanaagsan hadduu kusoo biirana wuxuu kooxda ka bad baadin karaa in laga dhaliyo goolal badan.

Leave A Response »