Ciyaaryahanka kooxda Chelsea Torres oo Markale ku riyoonaya inuu qaado Champion Leage.

Dhaliye September 4, 2012 2

Waxaa Akhrisatay :958
Ciyaaryahanka weerarka ka ciyaara ee kooxda Chelsea Torres ayaa ka dhawaajiyey markale hadal cadawtooyo dhaxdhigi kara kooxda Chelsea iyo kooxaha kale ee ugu tunka weyn qaarada yurub.

Torres ayaa shaaciyey xili uu ka hadlayey awooda kooxdiisa inay uqalanto sanadkaan ku guuleysiga koobka xiisaha badan ee horyaalada yurub.

Kooxda ku guuleysatay sanadii tagtay horyaalka yurub ayaa wajihi doonta dhibaato adag madaama sanadaan kooxo awood badan ay ka qeyb galayaan koobkaani iyada oo ay isku soo adeen wereega Groups-ka kooxda Juventus oo markale shaashadaha yurub kasoo muuqan doonta.

Torres ayaa hadalkaan jeediyey xili uu kooxdiisa dhibaato kala kulantay kuguuleysiga koobka Super cup-ka Yurub oo ay natiijo 4-1 ah kala kulantay kooxda Atletico Madrid.

Kooxha kubadda cagta ee Chelsea sanadaan waxay lumisay xidigo badan oo markii ugu horeysay kooxda usuuro galiyey ku guuleysiga koobka kooxaha horyaalada yurub ee Champion Leage

 

2 Comments »

  1. Juan mata September 4, 2012 at 4:06 pm - Reply

    Inshallah wan qadi dona

  2. xukun yare September 5, 2012 at 6:57 am - Reply

    weey dhici karta wana rajey ney na inan qadno insha allah

Leave A Response »